Wararka ka imaanaya deegaanka Takuraq oo ka tirsan Wilaayada Sool Ee Waqooyga dalka Somalia waxey sheegayaan in Maalintii Labaad uu galay dagaal culus gudaha deegaankaasi ku dhexmaraya maleeshiyaatka maamul gobaleedyada Ashahaado la diriryada ah ee isku magacabaay Puntland iyo Somaliland.
Dagaalka oo saaka dib uga qarxay deegaanka ayaa wararka la helayo waxey sheegayaan in Labada maleeshiyo ee maamul Gobaleedyada ah ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan.
Labada Maamul gaala raac-yada ah ee Puntland iyo Somaliland ayuu midba mid ka kale ku eedeeyay in maleeshiyaatkiisa dagaalka bilaabeen sida ay sheegeen saraakiil Muratdiin ah oo u kala hadashay labadaasi maamul.
Ri rasmi ah looma xaqiijin khasaaraha maleeshiyaatka Labada maamul gaaleedyada ah isugu geysteen dagaalka saaka ka qarxay deegaanka Tukaraq balse tiro askar ah ayeey isaga dileen dagaalkii shalay ku dhexmaray deegaankaasi.
Afar Bilood ka hor ayeey aheed markii maleeshiyaatka maamul gobaleedka gaala raaca isku magacaabay Somaliland dagaal kula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Tukaraq kadib markii ay ka itaal roonaadeen maleeshiyaatka maamul gobaleedka Ashahaado la dirirka ah ee Puntland kuwaasi xilligaas ka hor ku sugnaay deegaankaasi.