Saddex howlgal oo isugu jira dagaal toos ah,qarax iyo dil qorsheysan ayeey ciidamada Shabaabul Mujaahdiiinta wax ka yar 24 saac gudahood ah ka fuliyeen gudaha magaalada Muqdisho.
Weerarka Kowaad waxey ciidamada Mujaahdiiinta ka fuliyeen degmada Wadajir kaasi oo ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaay Bangarafta dowlada Ridada Somalia kaasi oo qarax lagula beegsaday gaari uu la socday.
Sarkaalka Murtadka ah ee ciidamada Mujaahidiinta ay ku dileen degmada Wadajir ayaa lagu magacaabi jiray gaashaanle sare Cali Raage waxaana horey uu ahaan jiray Abaanduulaha howlgallada maleeshiyaadka loogu yeero bangarafta hadase waxa uu ku magacownaa madaxa tababarada dugsiga xero nacnac ee ku yaala magaalada muqdisho.
Weerarka Labaad oo ah dil qorsheysan waxey ciidamada Mujaahidiinta ku dileen mid ka mid ah Ergadii Murtadiinta ee wax kasoo dhisay xildhibaanada golaha dhawaaqiida.
Murtadkan la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Aadan Cusmaan Kuulow kaasi oo sigaar ah uga tirsanaay Ergadii wax kasoo dhistay xildhibaanada maamulka Ashahado la dirirka ah ee isku magacaabay Hirshabeelle.
Howgalka Saddex-aad oo ah dagaal toos ah ciidamada Shabaabu Mujahaidiinta waxey ku qaadeen fariisin maleeshiyaadka Murtadiinta ay ku leeyihiin Warshada Nac-naca ee degmada Hurwaa ee magaalada Muqdisho.
Dagaalkan ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,dhawaaqa rasaasta dagaalka waxaa si aad ah looga maqlayay xaafada badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho,waxeyna warar hoose sheegayaan in tiro askar ah dowlada Federaalka dhimasho iyo dhaawac ay kaga noqotay dagaalkaasi.