Ciidamada Shabaabul Mujaahidiinayaa markale weerar ku qaaday ciidamada shisheeyaha AMISOM ee duullaanka ku jooga deegaanno katirsan gobolka Sh/Hoose.
Wararka ka imaanaya deegaanka Golweyn ayaa sheegaya in qaraxyo iyo weeraro ay ciidamada AMISOM ku qabsadeen wadada xiriirisa deegaanka Buula Mareer.
Dagaal muddo daqiiqada ah socday ayaa la sheegay in ciidamada Xarakada Al Shabaab iyo kuwa shisheeyaha AMISOM uuku dhaxmaray wadada laamiga ah ee xiriirisa degmada Buula Mareer iyo Golweyn.
Qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa la xaqiijiyay in lagu gubay mid kamida gaadiidka gaashaaman ee ciidamada Uganda balse qeybta ka ah howlgalka AMISOM.
Weeraradan ayaa ciidamada shisheeye qabsaday xilli ay isku dayayeen in ay sahay udaabulaan dhanka degmada Buula Mareer, khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lasoo sheegayaa in ay ka dhasheen qaraxa iyo weerarka.