Wararka ka imaanaya dalka Afghanistan waxey sheegayaan in ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan ay la wareegeen magaalo muhiim ah oo dhacda Waqooy Bari dalkaasi.
Dagaallo culus oo dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan iyo kuwa maamulka daba dhilifka Kaabul ayeey ugu dambeyntii ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Isaamiga Afghanistan kula wareegeen gacan ku heynta magaalada Dasht Qalah oo ka tirsan Wilaayada Takhar.
Ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta magaaladaasi iyo guud ahaan xarumihii maamulka Ridada Kaabul Ku lahaa gudaha magaaladaasi.
Mujaahidiinta ayaa gacanta ku dhigay gaadiid dagaal iyo agabyo fara badan oo kuwa ciidanka ah kuwaasi oo ay magaalada kaga carareen maleeshiyaatka Ashraf Gani,iyadoona Tobaneeyo askari oo ah kuwa Ridada Kaabul dagaalka lagu dilay.
La wareegidda Mujaahidiinta Dhaalibaan ay la wareegeen Degmada Dashta Qalcah ayaa kusoo aadeysa xilli Imaarada Islaamiga Afghanistan ay la wareegtay ku dhawaad Toban Magaalo Tan iyo markii Labo bil ka hor Imaaradu ay ku dhawaaqday Xamlo dagaaleedka Xilliga Gu’ga ee Al-khandaq.
Calamada.com