Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey dagaal culus ku qaadeen saldhig maleeshiyaatka dowlada Ridada ay ka sameysteen qeybo ka mid ah degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho.
Ciidamada Xarakada Alshabaab waxey dagaalkan sigaar ah ugu qaadeen saldhiga maleeshiyaatka dowlada ee xaafada Xoosh degmada Dharkenley.
Dagaalkan waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoo dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay xaafado badan oo ka tirsan magaalada Muqdisho,waxeyna Ilo wareedyo hoose xaqiijiyeen iney jirto khasaara nafeet oo maleeshiyaatka dowlada Ridada lagu gaarsiiyay dagaalkaasi.
Dhanka kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey xaafada Cali Shire degmada Howlwadaag ku dileen Xildhibaan hore Xuseen Geedi Jimcaale,sidoo kale ninkan waxaa uu ka mid ahaa Ergadii wax kasoo xushay xildhibaanada lagu soo dhisay degmada Cadaado ee gobalka Galgaduud.
Xuseen Geedi ayaa sidoo kale waqti xaadirkan markii la dilayay ku howlanaay ciidamo u qorista maamulka gaala raaca Galmudug oo si toos ah ula shaqeynayay.
Calamada.com