Weerarka oo dhacay maanta gelinkii dambe ayaa ciidamada Mujaahidiinta Wilaayada Jubooyinka waxay la beegsadeen huwan Saliibiyiinta ah iyo dabadhilifyadooda dhawaan soo gaaray deegaanka Baarka ee duleedka tuulada Buula Guduud.
Weerarka oo loo adeegsaday hubka fudud iyo midka culus ayaa lagu qaaday fariisinka cadawga ee ku yaalla deegaanka Baarka, waxaana rasaasta iyo madaafiicda Mujaahidiintu ay si toos ah ugu hoobanayeen xerada cadawga.
Dagaalka oo in muddo ah socday ayaa khasaare lagu gaarsiiyay Saliibiyiintii iyo Murtadiintii la weeraray.
Diyaarado hilekobtaro ah ayaa dhowr jeer oo kala dambeeyay kusoo degay xerada kadib markii uu dagaalku soo idlaaday, kuwaas oo saldhigga ka qaaday maydad iyo dhaawac cadawga kasoo gaaray weerarka Mujaahidiinta.
Dhimashada iyo dhaawaca cadawga ayaa la gaarsiiyay Magaalada Kismaayo oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada Maraykanka ah