Ciidamada Xarakada Alshabaab waxey habeenkii xalay dagaal culus ku qaadeen mid ka mid ah saldhigyada ug waaweyn ee ciidamada Kufaarta Afrikanta ee duulaanka ku jooga dalka Somalia.
Saldhiga la weeraray ayaa ah midka ciidamada Shisheeye ay ka sameysteen deegaanka Arbacow oo ka tirsan deegaan weynaha Ceelasha Biyaha ee gobalka Shabeelada hoose.
Dagaalkan waxaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoo dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay deegaano badan oo dhaca wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye.
Wararka la helayo waxey sheegayaan iney jirta khasaara ciidamada Kufaarta Shisheeyaha ah lagu gaarsiiyay dagaalkaasi,habeen hore ayeey aheed markii ciidamada Shabaabul Mujaahidiinta weeraro saf ballaaran ah ay ku qaadeen saldhigyada Ciidamada Kufaarta ay ka kala sameysteen deegaanka Aala Yaasir ee gobalka Shabeelada hoose iyo degmada Waajid ee gobalka Bakool.
Calamada.com