Wararka ka imaanaya magaalada Darnah ee Waqooy Bari dalka Liibiya ayaa sheegaya in habeenkii xalay duqeyman arxan daro ah magaaladaasi ay ka geysteen diyaaradaha Cadowga ee garabka siinaya Hogaamiye kooxeedka Murtadka ah ee Khaliif Xaftar.
Duqeynta ugu xoogan waxey diyaaradaha dowladaha Imaaraatka Carabta iyo kuwa Masar la beegsadeen Hooyga magaalada Darnah uu ka deganaay Sheekh Cumar Rufaaci Saruur oo ahaa Muhaajir Masaari ah sidoo kalane ahaa Qaadigii guud ee Golaha shuurada Mujaahidiinta Darnah ee dalka Liibiya.
Duqeyntaan waxaa ku shihiiday Sheekha, Xaaskiisa iyo sidoo kale Shan Caruur ah oo ay dhaleen,iyadoona khabarkan ah istish-haadka ah si aad ah looga hadal hayo inta badan caalamka.
Sidoo kale duqeyn ka dhacday magaalada Darnah waxaa ku shihiiday tiro kale oo ka mid ah culimada Mujaahidiinta Darnah kuwaasi oo kala ah Sheekh Abuu Cumar Cabdi Salaam Al cawaami iyo Shekh Abii Zeyd kuwaas oo ka mid ahaa culimada Mujaahidiinta Liibiya
Magaalada Darnah oo ah Magaaladii ugu dambeeyay ee ay gacanta ku hayaan Mujaahidiinta Liibiya ayey waxey duulaan adag kala kulantay maleeshiyaatka Maleeshiyaatka Khaliif Xaftar oo taagera ka helayo dowlada Cadow ah sida Masar,Imaaraatka iyo dowlada Saliibiyadda Fransiiska kuwaasi oo si arxan daro ah u duqeeyay magaalada una xasuuqa Muslimiinta Darnah.
Dagaalyahanada Mujaahidiinta ah ayaa si adag iskaga caabinaya duullaanka baahalnimo ee ay magaalada ku hayaan maleeshiyaatka Khaliifa Xaftar, kuwaas oo go’doon adag iyo cunaqabatayn ku haya magaalada mudoo dhowr sano ah.
Alhuma taqabal