Waraysi uu siiyay Mu’assasada Al-malaaxim Sheekh Khaalid Baadharfi oo kamid ah saraakiisha sar sare ee Alqaacidada Jaziiradda Carabta ayuu kaga hadlay arimo kala duwan oo la xiriira saaxada Yaman, xaaladda mujaahidiinta iyo dowrka Imaaraatka uu ka cayaarayo saaxada Yaman.
Waraysi lala yeeshay Sheekha oo ahaa mid qoraal ah ayaa lagu waydiiyo su’aalo kala duwan oo muhiim ah, waxaana dhamaantooda uu ka bixyay jawaabo waafi ah.
Arimaha wax laga waydiiyay waxaa kamid ah xaaladda Mujaahidiinta Yaman, isagoona sheegay iney ku jiraan horumar iyo wanaag joogta ah, wuxuuna sheegay inay dhawaan soo gudbin doonaan shabakad jawaasiis halis ah oo ay gacanta ku dhigeen.
“Inkastoo aan weynay tiro kamid ah Mujaahidiinta oo uu cadowgu ku beegsaday usluub xun oo qurun ah isagoo adeegsanaya calooshood u shaqeystayaal hadana fadliga Allaah wuxuu Alle inoo suurageliyay inaan kashifno mid kamid ah unugyadiisa ugu muhiimsanaa, howlgal baaritaan iyo raadin ah kadib oo qaatay inkabadan hal sano, maalmaha soo socodana waxaa daaha laga rogi doonaa xaqiiqooyin kheyr u noqon doona Mujaahidiinta Allaah idinkii, caamada muslimiintana wayci gelin uga noqon doonta dhagaraha cadowga iyo asaaliibtiisa foolxumada badan ee ay u adeegsanayaan la dagaalanka islaamka iyo muslimiinta iyo Mujaahidiinta.” ayuu yiri Sheekh Khaalid Baadharfi.