Wararka ka imaanayo Magaalada Addis Ababa oo ah caasimada Dalka Ethiopia ayaa sheegaya in Qarax xoogan laga maqlay iskusoo bax weyn oo uu khudbad ka jeedinayey Raisal wazaaraha cuasub Wadankaasi ninka lagu magacaabo Abey Axmed.
Qaraxa oo u muuqday inuu ahaa Bam gacmeed ayaa dhacay xilli Raisal wazaaraha Ethiopia uu dhameystay Khudbadiisa uuna daawanayey tageerayaasha faraha badan ee isugusoo baxay fagaara weyn oo kuyaala caasimada wadankaasi adis ababa.
Xiliga qaraxa uu dhacayey waxaa khudbado kala duwan jeedinayey madaxda iyo siyaasiyintaa taageersan Abey Axmed, isna waxa uu fadhiyey Tarabuunka sare oo uu ka daawanayey iskusoo baxa weyn ee halkaas ka dhacayey.
Mar qura ayaa la maqlay jugta qaraxa , waxaana kala yaacay dhamaan dadki iskusoo baxay, gaar ahaana dadkii madaxda ahaa ee goobta fadhiyey.
Sirdoonka Xukuumada itoobiya oo goobta ku sugnaa si ay u ilaaliyaan Amaanka Raisal wazaaraha iyo madaxda goobta timid ayaa markiiba isku gadaamay Tarabuunka iyo hareerahiisa, waxa ayna la carareen Abey Axmed oo ay u kexeeyeen goob ka baxsan halka uu qaraxu ka dhacay.
Weerarka Bamb gacmeedka ah waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dadkii itoobiyaanka ahaa ee dibad baxyada ka dhigayey fagaaraha weyn ee kuyaala caasimada Addis Ababa.
Warbaahinta ayaa sheegeysa in Bamb gacmeedka goobta lagu tuuray uu ahaa isku day dil oo lala damacsanaa Raisal Wazaaraha cusub ee Ithiopia Abey Axmed, balseuu ka badbaaday.
Raisal Wazaare Abey oo goor danbe la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyey inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ka dhashay Bam gacmeedkii manta lagu tuuray fagaaraha kuyaala Addis Ababa oo ay isugusoo bexeen dad kor u dhaafaya 1 Milyan.
Abey axmed ayaa ku eedeeyey qaraxa inay ka danbeeyeen dad uu kutilmaamay inay yihiin kuwa kasoo horjeeda waxa uu ugu yeeray Horumarka Itoobiya, , ciidanka Police-ka xukuumadana waxa ay sheegeen inay wadan baaritaanu ku aadan arinkaan iyo cidii ka danbeysay falkan
Qaraxan ayaa muujinaya isbedel horleh oo uu lugaha lasii galayo dalka Itoobiya, waxaana uu daaha ka rogayaa iney weli jiraan dad mucaaradsan maamulka Itoobiya.