Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa tilmaamaya in xaley fiidkii qarax xoogan lagu weeraray saldhig ay maleeshiyaatka Ashahaada la dirirka ku leeyihiin magaaladaasi.
Saraakiil ka tirsan mujaahidiinta ayaa Idaacadda Islaamiga Andalus u sheegay in qaraxa lala eegtay saldhig ku yaalla waqooyiga magaalada oo lagu magacaabo (Saldhigga Miir) Iyadoona halkaas uu ka dhashay qasaare kala duwan.
Qaraxa ayaa ka dhacay gudaha saldhigga sida ay noo sheegeen Saraakiisha Mujaahidiinta, waxaana jira khasaare dhaawacyo u badan oo soo gaaray maleeshiyaatka murtadiinta.
Weerarkan ayaa qeyb ka ah howlgalo isugu jira qaraxyo iyo iqtiyaalaat ah oo Mujaahidiinta ka howlgala gobolka Mudug ay ku beegsadaan saraakiisha iyo maleeshiyaatka maamulada Ashahaada la dirirka ah ee ka jira magaalada Gaalkacyo.
Bishii la soo dhaafay ayey ahayd markii ay Mujaahidiintu howlgal qorsheysan ku khaarijiyeen xildhibaan ka tirsanaa maamulka Ashahaada la dirirka ee Puntland kaas oo lala dilay mid ka mid ah ilaaladiisa ka dib markii lagu beegsaday ilinka hore ee Hotel uu ku lahaa magaalada Gaalkacyo.
Xigasho Idaacada Islaamiga Andalus.
Calamada.com