Guddiga Doorashooyinka wadanka Turkiga ayaa ku dhawaaqay in Dhayib Ordogan uu noqday madaxweynaha wadankaas, kadib tartan adag oo dhexmaray isaga iyo rag ka socoday axsaabta Mucaaradka.
Marka laga hadlo dadka codadkooda dhiibtay, 97.2% waxaa codadkaas helay Ordogan, isagoona sidaas ku noqday madaxweynaha Turkiga.
Dabaaldegyo waaweyn iyo banaanbaxyo lagu taageerayo Ordogan ayaa ka socoda magaalooyinka Turkiga, waxaana dadku ay aad uga cabsanayeen in talada dalka ay lawareegaan hogaamiyaal kale oo ka cadaawad iyo diin nacayb badan Ordogan.
Axsaabta mucaaradka waxay muujinayaan shakki ah in isbedel iyo been abuur lagu sameeyay natiijooyinka doorashada, balse ma sameynin wax ficil ah.
Ordogan ayaa markii labaad noqonaya madaxweynaha wadanka Turkiga, waxaana wadanka uu noqon doonaa marka dhanka awoodda laga hadlo mid ku jirta gacanta madaxweynaha.