Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo ah waaliga Jubbooyinka ayaa war uu soo saaray ku sheegay in lamamnuucay Bacda isagoo shacabka ku dhaqan Jubbada dhexe iyo Jubbada Hoos ugu baaqay in ay u hoggaansamaan amarka wilaayada.
Wuxuu sheegay in Bacdu halis ku tahay caafimaadka Bani’aadka iyo xoolaha ladhaqdo intaba.
Bacda ayaa sababta cudurro dilaa ah oo ku dhaca xoolaha sidoo kale bacdu waxay qeyb weyn ka qaadataa Nabaad guurka deegaanka, magaalooyinka waaweyn ee Jubbooyinka ayaa lagu arkayaa dadka oo ku adeeganaya aalado kale sida Sellado iyo qandiyo.
Dhinaca kale warar ay heshay SomaliMeMo ayaa sheegay in dhammaan gobollada dhaca Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ee Al Shabaab maamusho laga mamnuucay adeegsiga Bacda waana armar guud oo xarakadu ay uga hor tageyso khatarta caafimaad ee ka dhalan karta adeegsiga Bacaha oo ka sameysan maaddo balaastik halis badan leh.
Dowlado badan oo katirsan caalamka ayaa bacda laga mamnuucay waxaana ugu horreeyay Kenya,Turkiga, Tanzania iyo wadamo kale oo ubadan qaaradaha Yurub iyo America kadib daraasado lasameeyay oo lagu ogaaday khatarta ay bulshada uleeyihiin.
Halkan ka degsoWarbixin ku saabsan Mamnuucidda Bacda ama hoos ka dhageyso