Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka ayaa sheegay in uu madaxda sacuudiga ujeediyay codsi ah in ay sare uqaadaan wax soo saarka maalinlaha ah ee shidaalka ayna ka aqbaleen.
Donald Trump ayaa farriin uu ku qoray bartiisa Twitterka wuxuu ku sheegay in xiriir khadka taleefanka ah uu la sameeyay Salmaan Bin Cabdi Casiis Boqorka Sacuudiga uuna ka dalbaday in uu kordhiyo shidaalka uu sacuudigu soo saaro si loogasoo kabsado gaabiska ku yimid shidaalka ay soo saaraan wadamada Iiraan iyo Fanazuwella.
“Boqorka Sacuudiga ayaan ka dalbay in uu sare uqaado shidaalka dalkiisu soo saaro maalin walba waana iga aqbalay” ayuu yiri Donald Trump.
Wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa iyana xaqiijisay in Trump uu khadka taleefanka kula xiriiray Salmaan Bin Cabdi Casiis balse faah faahin dheeri ah kama bixin waxa ay ka wada hadleen.
Dowladda Mareykanka ayaa Sacuudiga ka codsatay in maalin walba uu soo saaro laba Bilyan oo Barmiil tallaabadaas oo taxaddi weyn ku ah dowladda shiicada iiraan oo uu loolan kala dhaxeeyo dowladaha Khaliijka.
Mucaaradka Sacuudiga ayaa sheegay in wadahadalka labada dhinac dhax maray uu salka ku haayo sidii dowladda Sacuudiga ugasoo kabsan laheyn dhibaatada dhaqaale oo ay dhax muquuranayso.
“Trump wuxuu ogaaday in nidaamka bah wadaagta la ah ee Sacuudiga uu waddo xun ku socdo sababtoo ah dhaqaale Ballaayiin dollar ah ayaa uga baxaya dagaalka Yemen sidaas darteed ayuu Salmaan kula taliyay in uu sare uqaado wax soo saarka Naftada” sidaas waxaa yiri Yaxye alcadeyri oo ah mucaarad sacuuudiyaan ah.