Camaliyadan Istish-haadiyad ah oo ka dhacday qeybo ka mid ah Wilaayada Lowjar ee dalka Afghanistan ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah gobalkaasi.
Weerarkan Istish-haadiga ayaa sigaar ah kaga dhacay agagaarka Saldhig Khader oo ah saldhig weyn oo ciidamada Kufaarta Mareykanka ay ka sameysteen magaalada Pol-e Alam oo ah xarunta Wilaayada Lowjar ee Bartamaha dalka Afghanistan.
Afhayeenka Imaarada Islaamiga Afghanistan Sheekh Dabiixullaahi Mujaahid oo qoraal kooban soo saaray ayaa sheegay in Camaliyaddan Istish-haadiyada ah uu fuliyay Mujaahid ka tirsan Katiibada Istish-haadiyiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan kaasi oo beegsaday kolanyo Saliibiyiinta Mareykanka ah oo xilli ay socdaal ku jireen.
Afhayeenka Imaarada ayaa intaasi ku daray In Allaah Fadligiis Camaliyaddan Istish-haadiyada ah khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo aad u xoogan lagu gaarsiiyay saliibiyiinta Mareykanka,waxaana weerarkan lagu dilay ugu yaraan Shan askari oo American ah,sidoo kalane Gaadiid dagaal ayaa Mareykanka looga gubay weerarkaasi Naf Hurnimada ah.
Dowlada Saliibiyadda Mareykanka oo hormuud u ah duulaanka Shareeca la dirirka ah ee Isbaheysiga NATO ku qaadeen dalka Afghanistan ayaa si joogta dhanka Mujaahidiinta Dhaalibaan kala kulanta weeraro Lixaad ah oo isugu jirta Qaraxyo,Dagaallo Toos ah iyo Camaliyaad Istish-haadiyo ah kuwaasi oo dowlada Mareykanka ay ku weysay Kumanaan Saraakiil iyo askar American ah.
Calamada.com