Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara badan dhaliyay oo ciidamada Kenya lagula beegsaday gobolka xeebta ku teedsan ee Lamu.
Wararka ka imaanaya Kenya ayaa sheegaya in gaari tiknika ah oo ay la socdeen ciidamada booliska Kenya lagu qarxiyay inta u dhaxaysa deegaannada Haluuqa iyo ijaara oo kawada tirsan gobolka Lamu.
War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxa lagu dilay ugu yaraan 7 askari oo kamid ahaa ciidamada Booliska Kenya.
Miino dhulka lagu aasay ayaa burburisay gaari nuuca loo yaqaan Kooyalka oo ay isticmaalayeen ciidamada Booliska, warbaahinta maxalliga Kenya ayaa iyana xaqiijisay in qarax lagu weeraray gaari boolis balse waxay yareysay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay qaraxa.
Halkan Ka Dhageyso Faahfaahinta Qaraxa Lamu.
Calamada.com