Ugu yaraan sedax qof shacab ayaa ku dhintay rasaas ay ciidamo katirsan dowladda Federaalka ku fureen xaafadda Suuqa Xoolaha ee waqooyiga magaalada Muqdisho.
Goob Joogayaal ayaa sheegay in ciidamada dowladdu ay si bareer ah dadka shacab ah urasaaseeyeen, iskusoo baxyo ballaaran ayaa ka dhacay degmada Huriwaa oo loogasoo horjeedo falka dilka ah ee ciidamadu geysteen.
Rabshado saameeyey isku socodka gaadiidka dadweynaha ayaa ka dhacay wadada laamiga ah waxaana hakad ku jira ganacsiga xaafadda, wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada AMISOM ay goobta soo gaareen kadibna ay lakulmeen qarax xooggan.
Inta badan maleeshiyaatka Murtadiinta iyo kuwa Kufaarta Afrikaanta ayaa shaqo maalmeed ka dhigtay dhibaateynta dadka shacabka ee ku dhaqan xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho.