Madaxweynaha dhimirka la’ ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa weerar afka ah ku qaaday dowladaha midowga Yurub iyo Ruushka, isagoo ku tilmaamay iney yihiin dad xifaaltan kula jira Maraykanka.
Trump oo waraysi siinayay CBS oo laga leeyahay dalka Maraykanka ayaa sheegay in Ruushka, Shiinaha iyo midowga Yurub ay taxaddi iyo culees ku hayaan dowladda Maraykanka.
Wuxuu sheegay in dowladda Ruushka ay tahay dowlad wanaagsan, balse meelaha qaar ay caksi ku tahay dowladda Maraykanka.
Shiinaha ayuu ku tilmaamay iney tahay dowlad dagaal dhanka dhaqaalaha ah kula jirta Maraykanka, islamarkaana tahay dowlad weyn oo awood leh, tartanka noocaas ahna ku dhacda.
Trump ayaa weerar culus ku qaaday dowladda Jarmalka oo xubin ka ah Midowga Yurub, wuxuuna sheegay in dowladaas uu aad ugu careysanyahay.
“ Xaqiiqatan waxaan ugu careysannahay Jarmalka balaayiinta dollar ee ay Ruushka siiyaan” ayuu yiri Donald Trump.
Hadalka Trump ayaa imaanaya iyadoo uu la kulmayo madaxweynaha Ruushka Faladamir Butin.