Wararka ka imaanaya deegaanka Af-Urur ee duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa xaqiijinaya in si buuxda deegaanka ay ula wareegeen Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka dib markii ay Ciidamada Puntland ka carareen saldhiggii ay ku lahaayeen deegaanka.
Maleeshiyaatka Maamulka Gaala raaca Puntland ayaa faarujiyeen saldhiggii ay ku lahaayeen deegaanka Af-Urur ka dib markii ay duleedka deegaanka soo buuxiyeen Ciidamo fara badan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo dagaal la’aan kula wareegay deegaanka.
Dadweynaha deegaanka Af-Urur iyo saraakiil ka tirsan Xarakada Mujaahidinta Al-Shabaab ayaa saaka kulamo ku yeeshay isla deegaanka, waxaana sidoo kale dadweyne isku soo baxay lagala hadlayaa fagaare si ay Mujaahidiintu ugu sheegeen ahdaafta dagaalkooda iyo in wax dhibaato ah aaney la dooneyn walaalahooda Muslimiinta ee deegaanadaasi ku nool.
Ilo wareedyo xagga Milatariga ah ayaa sheegaya in Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay galeen saldhigga ay faarujiyeen Ciidamada Puntland halka kuwa kale ay isku baahiyeen deegaanka si loo xaqiijiyo ammaanka.
Ciidamada Puntland ee ka baxay saldhigga Af-Urur ayaa warar kala duwan ka soo baxayaan halka ay u jiheysteen iyadoona la tilmaamayo dhanka deegaanka Carmo iney ku baxeen.
Deegaanka Af-Urur ayaa la xusuustaa sanad ka hor inuu martigeliyay mid ka mid ah dagaallada taariikhda galay ee dhexmaray Ciidamada Puntland iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyadoona dagaalkaasi looga dilay Puntland in ka badan 50 askari, saldhiggoodiina xoog looga qabsaday.
ألا إن نصر الله قريب