Halyeeyadii Inqimaasiyiinta ee dhiigooda ku qoray duullaankii ballaarnaa ee lagu qaaday xarumaha murtadiinta ee magaalada Muqdisho waxaa ka mid ahaa Cabdi Nuur Maxamed Warsame oo ku magacdheer Macalin Cali iyo Muxamad Sheykh Cali oo loo yaqaano Gureey.
Labadan halyeey oo ah wiil da’yar ayaa ka dhashay beesha Hadama, waxayna ka soo jeedaan deegaanka Buurdhuxule ee wilaayada Islaamiga Baay iyo Bakool.
Maxamed Sheykh Cali Axmad oo ku magacdheer Gureey wuxuu ahaa wiil 21 sano jir ah oo ku abtirsada jufada Liksi ee ka tirsan beelweynta Hadama, wuxuuna ka tirsanaa Jabhadda ku aadan furimaha Bakool.
Halka Walaalkeen Cabdi Nuur Maxamed Warsame oo 19 sano jir ahaa, loona yaqaano Macalin Cali uu ka dhashay Jufada Gaal-Boore ee taabacsan Beelweynta Hadama.
Geesigan wuxuu ka tirsanaa Jabhadda wilaayada Islaamiga Sh/dhexe, Wuxuuna ahaa mujaahid ku sifeysan go’aan iyo geesinimo.
Labadan Shahiid –Allaha u naxariistee waxay ku sifeysnaayeen xishood iyo dhowrsanaan, cibaado iyo ictikaaf sida ay u qireen asxaabtii ay la soo rafiiqeen.
Xalqadan oo ah qeybtii ugu dambeysay ee wareysiyo aan la yeelanay Istish-haadiyiintii fuliyey duullaanadii lagu qaaday xarumaha murtadiinta sabtidii la soo dhaafay, waxay labadan Inqimaasi kaga warami doonaan dareenkooda ku aadan howlgalka ay qaadeen iyo dardaarano ay u soo gudbinayaan Muslimiinta iyo Mujaahidiinta.
Halkan Ka Dhageyso Wareysiga Labada Istish-haadi.
Calamada.com