Kadib Dukashadii salaadda subax, waxey ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar culus ku qaadeen saldhig ciidamada maamulka gaala raaca Jubbaland ay ka sameysteen deegaanka Baarka duleedka magaalada Kismaayo.
Weerarka waxaa lagu daah furay camaliyad istish-haadi ah oo si weyn looga maqlay jugteeda meelo ka baxsan deegaanka Baarka, waxaana markaas kadib xerada u daatay ciidamada Mujaahidiinta.
Dagaal culus oo faraha looga gubtay ayaa ka dhacay goobta, kaas oo dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa maamulka Jubbaland ee Murtad Axmed Madoobe.
Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab oo ah Afhayeenka ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in ugu yaraan 27 askari ay ku dileen weerarkii ka dhacay Baar Sanguuni “ugu yaraan 27 askari ayaa murtadiinta uga dhimatay howlgalkii ay Mujaahidiintu ku qaadeen maleeshiyaadka Murtadiinta ee Mareykanku uu dajiyay deegaanka Baar Sanguuni ee duleedka magaalada Kismaayo, waxaa kale oo jirta in mujaahidintu qaniimeysteen saanado melleteri oo cadawga saldhigga uyiillay” ayuu yiri Sheekh Abuu Muscab.
Halkan Ka Dhageyso Faahfaahinta Dagaalka Baarka.
Calamada.com