Tirikoob laga soo saaray howlagadii ay fuliyeen ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan Bishii Tagtay ee Shawaal ayaa lagu xaqiijiyay in weeraradaasi ay gaarayaan (1058) Kun iyo Konton iyo Sideed weerar oo isugu jira dagaallo toos ah Kamaa’ino,Qaraxyo Miino iyo Camaliyaat Istish haadiyo ah,waxaana tirikoobkan soo saaray mid ka mid ah Maraakizta ka faalooda arimaha Jihaadka.
Tirikoobkan ayaa lagu xaqiijiyay in weeraradaasi lagu dilay 11 askari oo American ah laguna dhaawacay Shan kale oo isla ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka ah.
Dhanka maamulka Ridada Kaabul waxaa howlgaladii bisha Shawaal looga dilay (1109) Kun Boqol Iyo Sagaal isugu isugu jirta saraakiil iyo askar waxana looga dhaawacay (1879) Kun Sideed Boqol Todobaatan Iyo Sagaal askari.
Dhanka gaadiidka dagaalka waxaa ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka iyo kuwa Murtadiinta Afghanistan weeraradaasi looga gubay (321) Saddex Boqol Labaatan Iyo Kow Gaadiid oo isugu jirta noocyada kala duwan ee gaadiidka dagaalka,iyadoona dhanka kale ciidamada Mujaahidiinta ay bishaas dhulka soo dhigeen mid ka mid ah diyaraadah duuliye la aanta ee Saliibiyiinta Mareykanka.
Tirikoobkan ayaa muujinaya sida dhiig baxa xoogan ugu socda ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka iyo kuwa Daba dhilifka Kaabul,iyadoona weeraradan ay qeyb ka yihiin howlgalka Al-khandaq ee sida tooska ah ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan kaga wadaan Soddon iyo Afarta Gobal ee uu ka koobanyahay dalka Afghanistan.
Calamada.com