Wararka ka imaanaya dhulka Somaligalbeed ee gummeysiga ku jira ayaa sheegaya in dagaallo xooggan ay ka qarxeen magaalada Jigjiga ee xarunta u ah gobolka.
Dagaallada ayaa yimid kadib markii ciidamada Kufaarta Xabashida Itoobiya ay saaka aroortii hore la wareegeen gacan ku heynta inta badan xarumihii maamulka Murtad Cabdi ileey ee magaalada Jigjiga.
Goob joogayaal ayaa sheegay in rasaas xooggan laga maqlay dhanka garoonka diyaaradaha Jigjiga iyo waddooyinka gala guriga Cabdi Maxamuud [Cabdi ileey] uu ku leeyahay magaalada.
Ciidamada Xabasahida Itoobiya oo wata gaadiidka gaashaaman ayaa lagu dhax arkayaa magaalada, qaar kamid ah maleeshiyaadka Liyuu Booliska ayaa iska caabin kala hortagay ciidamada melleteriga Itoobiya.
Kumanaan shacab ah ayaa lagu arkayaa waddooyinka magaalada Jigjiga lamana oga sida ay xaaladdu sii ahaan doonto, R/wasaaraha Itoobiya Abeey Axmed ayaa maalmihii dambe qorshaynayay in uu xilka ka qaado Cabdi ileey.