Iska hor’imaad u dhaxeeya maleeshiyaat ka wada tirsan dowlada Ridada ayaa ka dhacay degmada Mahadaay oo ka mid ah goobaha shisheeyaha soo duulay iyo daba dhilifyadooda ay kaga suganyihiin gobalka Shabeelada dhexe.
Iska hor imaadka ayaa si gaar ah kaga dhacay suuqa lagu iibiyo xoolaha nool,waxa ay dirirta dhexmartay maleeshiyaatka ka wada tirsan Dowlada Ridada timid kadib markii ay isku qabteen kuna murmeen qaabkii ay u qeybsan lahaayeen lacago baad ah oo suuqaasi ay ka aruuriyeen.
Inta la xaqiijiyay maleeshiyaatka diriray waxey iska dileen hal askari waxeyna iska dhaawaceen labo askari kuwaasi oo la sheegay iney dhaawacyadooda culusyihiin,dhanka dadka shacabka waxaa iska hor imaadkaasi ku dhaawacmay hal ruux oo shacab ah kaasi oo dalaal ka ahaa suuqa xoolaha ee degmadaasi.
Maleeshiyaatka Kooxda Farmaajo ayaa shaqo maalmeed ka dhigtay iney dhexdooda dagaalamaan oo ay iska dilaan askar iyo saraakiil fara badan.
Calamada.com