Sarkaalkan oo magaciisa lagu soo koobay “Maxamad Gaaruf” ayaa sidoo kale waxaa laga qaatay gaari iyo Bastoolad uu watay.
Dilka sarkaalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka ceelasha biyaha ee duleedka Muqdisho.
Dagaalyahanadii ka tirsanaa Mujaahidiinta Al-Shabaab ee dilay sarkaalka murtadka ah ayaa goobta si nabadgelyo ah uga dhaqaaqay iyagoo horay usoo qaatay gaarigii iyo bastooladii ay ka qaniimaysteen.
Gaariga laga qaniimaystay sarkaalkaas murtadka ahaa ayaa lagu sheegay inuu ahaa nooca Kaaribta loo yaqaano.
Maydka sarkaalkii ka tirsanaa booliska ridada ayaa goobta in mudda ah yaallay iyadoo markii dambe ay maleeshiyaat kale oo ka tirsan Murtadiinta ay goobtaas ka qaadeen.
Mujaahidiinta ka hawlgala Muqdisho iyo deegaanada ku heeran ayaa si joogta ah weeraro toos ah iyo kuwo gaadma ahba ugu beegsada saraakiisha iyo maleeshiyaatka ridada ah, arintaas oo walaac joogta ah ku ah cadawga isla markaana ay waab ay iska maareeyaan ay la’yihiin.
Halkan Ka Booqo Bogga Calamada Ee Telegram-ka.
Calamada.com