Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay iyo Bakool ayaa sheegaya in habeenkii xalay magaaladaas uu ka dhacay qarax xoogan.
Qaraxa waxaa lala eegtay ciidamo katirsan maamulka Amxaaro kalkaalka ah ee Koonfur-galbeed, majarahana uu u hayo Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Waxaa loogu aasay qaraxa goob ay ku qayili jireen malleeshiyaadka, waxaana markii ay yimaadeen mar qur ah hoostooda ka kacay qarax culus.
Ugu yaraan 5 askari ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxan habeenkii xalay ka dhacay magaalada Baydhabo.
Dhawaan ayey aheed markii qarax culus oo lagu dilay askarta Itoobiyaan ah uu ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.