Xalay fiidkii hore waxaa deegaannada hoos yimaada Leego oo dhacda wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo ka dhacay xasuuq arxan daran oo ay ku kaceen malleeshiyaad Soomaali ah oo ay la socdeen saraakiil Ameerikaan ah.
Ugu yaraan 4 ruux ayay ciidamadan Soomaalida ah ee ka amar qaata Maraykanka ku dileen nawaaxiga Leego.
Dadka dhintay waxay kala yihiin labo nin, Hooyo iyo wiil yar oo ay iyadu dhashey.
Dadka deegaanka ayaa saaka aasay meydadka dadka xalay ay ciidamada Soomaalida ee saraakiisha Maraykanka la socoday ku laayeen duleedka Leego.
Ciidamadan gumaadka geystay ayaa kasoo duulay garoonka Ballidoogle oo ah saldhiga ugu weyn ee ciidamada Maraykanku ku leeyihiin koonfurta Soomaaliya, waxaana marar badan ciidamada Maraykanka iyo malleeshiyaadka uu ku shaqeysto ay geysteen gabood fallo naxdin leh.
Dhowr jeer sidan oo kale ayay ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka iyo kuwa Ridada Bangarafta dad shacab ah ugu xasuuqeen weeraro kala duwan oo ay ka geysteen Konfurta iyo Bartamaha dalka Somalia.