Wargeyska Foreign Policy oo ka mid ah Joornaalada ugu afka dheer dalka Mareykanka ayaa dhawaan soo daabacay warbixin dheer oo uu kaga faalloonayo fashilka ciidamada midowga Africa ku heysta Soomaaliya ka dib muddo 10 sano ah oo ay dagaal kula jireen Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Wargeyska ayaa soo xiganaya Saraakiil ka tirsan Ciidamad AMISOM oo ka deyrinaya xaaladda wadanka, islamarkaana sheegaya in haddii uu isbaheysigooda baxo uu dalka ku dhacayo gacanta Xarkada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Wuxuu sidoo kale si qoto dheer kaga hadlayaa caqabadaha iyo duruufaha adag ee ay ku jiraan maleeshiyaatka DFS ee la doonayey in ay la wareegaan mas’uuliyada amaan ee dalka ka dib bixitaanka ciidamada AMISOM.
Foreign Policy waxay leedahay inkastoo dowlado iyo shirkado fara badan oo shisheeye ah ay ku andacoodaan in ay ka shaqeynayaan dib u dhiska ciidamada DFS, hadana dhanka kale maleeshiyaatku weli waa kuwo aanan lahayn wax tayo ah.
Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa soo tarjumtay nuxurka maqaalka, kana diyaarisay warbixinan.