Howlgalkan oo ahaa mid qorsheysan ayay ciidanka mujaahidiinta ku qaadeen hoteel kuyaalla gudaha degmada Baraawe ee wilaayad hoose, waxaana hoteelkan degenaa saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan murtadiinta.
Dadka deegaanka ayaa mar qurka ka war helay raasas xooggan oo ku hoobanaysa hoteelkan oo ka mid ah goobaha ay gabaadka ka dhigtaan murtdiinta ku sugan baraawe, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in muddo ah qaatay.
Intaasi kadib waxa magaalada dhamaanteed ka bilowday rasaas ay si idnha la’aan ah u furayaanmaleeshiyaadkii ku sugnaa hoteelka ka dib markii ay rucbi iyo argagax ka qaadeen weerarka Mujaahidiinta.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee cadowga ka soo gaaray weerarka ay mujaahidiinta ku qaadeen halkaasi balse waxaa la rumeysan yahay in halkaas ay waxyeelo kala duwan ka soo gaartay cadowga.
Ciidamada mujaahidiinta wilaayada shabeellaha hoose ayaa weeraro kala duwan ka fuliyay gudaha magaalada, waxaana dhowrjeer horey magaaladaas uga dhacay qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo loo geystay mas’uuliyiin. Saraakiil iyo maleeshiyaad ka tirsan kooxda ridada soomaaliya.