Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa gudaha magaalada Muqdisho ku toogtay sarkaal sare oo ka tirsan maleeshiyaadka kooxda ridada Soomaaliya,toogashada loo geystay sarkaalkan ayaa ka dhacday degmada Hliwaa ee magaalada Muqdisho.
Sarkaalkan ayaa magaciisa lagu soo koobay Liibaan wuxuuna ka mid ahaa saraakiisha Police-ka ee xukuumada Ridada.
Saraakiil ka tirsan Mujaahidiinta ayaa idaacadda Islaamiga Andalus u xaqiijiyey in howlgalka lagu dilay sarkaalkas uu ahaa mid qorsheysan, uuna u dhacay sidii loogu talagalay.
Saraakiisha ayaa noo sheegay in Sarkaalka laga qaatay qori AK47 ah oo uu watay, iyadoona ciidamadii Mujaahidiinta ee howlgalkaas fuliyey ay si nabadgalyo ah kaga dhaqaaqeen halka uu weerarku ka dhacay.
Halka ay ka dhacday toogashada lagu dilay sarkaalkan ayaa aad ugu dhaweyd saldhigga degmada Hiliwaa balse ma jirin wax maleeshiyaat ah oo u soo gurmaday sarkaalkan xilligii la beegsanayey.
Maleeshiyaadka murtadiinta ayaa muddo ka dib soo gaaray halka lagu khaarijiyey sarkaalka, waxayna qaaateen baqtiga sarkaalkooda.
Inta badan degmooyinka magaalada muqdisho waxaa hareeyay dilal qorsheysan iyo weeraro toos ah oo ay Mujaahidiintu ku beegsanayaan Cadowga Allaah.
Maalma ka hor ayay ahayd markii labo qarax ay ka dhaceen isla degmada Hiliwaa ee magaalada Muqdisho kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen maleeshiyaat dhowr ah oo uu ku jiray sarkaal ka tirsan murtadiinta.
Xigasho Radio Andalus.
Calamada.com