Maanta waa Sideeda bisha Dilxijah Sanadka 1439 Hijri waxey Ku Dhawad Labo Milyan oo Xujey Muslimiin ah oo ka kala yimid daafaha Caalamka guda galeen acmaasha Xajka oo ka mid ah shanta tiir ee Diinta Islaamka.
Maanta waa Yowmu Tarwiyah waxeyna Xujeyda iyagoo soo meertay u dhaqaaqeen dhanka Minaa
Waxeyna maalinta Barita oo ah Sagaalka Dilxijah ay tahay maalinta Xujeyda ay guda nayaan rukniga ugu weyn Xajka oo ah istaaga Banka Carafah’waxeyna Shareecada Islaamka u jideysay Muslimiinta Kale ee aysan u suura galin iney Xajiyaan iney Soomaan maalinta Carafo oo Biri ah Soonkaasi oo ah mid Fadli weyn xamabaarsan.
Maalinta Talaadada oo ah Tobanka Bisha Dul Xijjah ayaa ah maalinta Kowaad ee Ciidul Adxaa Ama Ciida Carafo oo ka mid ah Ciidaha Allaah SW uu ku maneystay Adoomadiisa Muslimiinta ah.
Halkan Ka Dhageyso Warbixin Kooban.
Calamada.com