Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar qorsheysan ku qaadeen goob isbaaro iyo fariisin u ah maleeshiyaatka dowlada Farmaajo.
Goobta sida gaarka ah loo weeraray waa deegaanka Cali Yaala oo ka tirsan gobalka Shabeelada dhexe una dhaw magaalada Muqdisho,iyadoo faahfaahin laga helayo weerarkaasi.
Inta la xaqiijiyay weerarkaasi waxaa lagu dilay Saddex askari oo ka tirsan maleeshiyaatka dowlada,waxeyna ciidamada Mujaahidiinta horay usi qaateen Labo qoray iyo Booshashkooda.
Weerarkan ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer ciidamada Shabaabul Mujaahidiin weeraro kala duwan ka fuliyeen wadada isku xirta degmada Jowhar iyo magaalada Muqdisho kuwaasi shisheeyaha iyo dowlada Ridada looga gubay gaadiid dagaal loogana dilay Mas’uuliyiin,Saraakiil iyo askar fara badan.
Calamada.com