Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxey weerar qorsheysan ku qaadeen saldhig maleeshiyaatka maamulka daba dhilifka Shariif Sakiin ay ka sameysteen deegaanka Daynuunaay ee duleedka degmada Baydhabo oo ah xarunta gobalka Baay.
Dagaalka ka dhacay deegaanka ayaa la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan,iyadoo dhawaaqa rasaasta dagaalka si aad ah looga maqlayay deegaano badan oo ka tirsan gobalka Baay.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in dagaalkaasi lagu dilay Shan askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Murtadiinta kuwaasi oo uu ku jira Sarkaal lagu magacaabi jiray Axmed Bishaar kaasi oo ka mid ahaa Taliyaasha saldhiga deegaanka Daynuunaay.
Sidoo kale dagaalkan waxaa lagu dhaawacay Saddex askari oo ka tirsan maleeshiyaatka Ridada kuwaasi oo la sheegay iney dhaawacyadooda culusyihiin.
Ciidamada Shabaabul Mujaahidiinta ayaa si buuxda ula wareegay gacan ku heynta saldhiga waxeyna qaateen hubkii iyo guud ahaan agabyadii ciidan ee yaalay saldhiga.
Saraakiisha ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ugu dambeyntii goob fagaara ah kala hadlay Bulshada ku dhaqan deegaanka Daynuunaay ee duleedka magaalada Baydhabo.
Calamada.com