khalalaasa dhanka maamulka ah ayaa lagasoo sheegayaa magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug bartamaha dalka Soomaaliya.
Ciidamo gadoodsan oo katirsan maamulka isku magacaabay Puntland ayaa la wareegay gacan ku heynta qaar kamid ah xarumaha maamulka waqooyia magaalada Gaalkacyo.
Xarunta Bankiga dhexe ee Gaalkacyo waxaa isku gedaamay ciidamo aad u hubeysan oo wata gaadiid Tiknika ah, ciidamadan gadoodsan ayaa ka cabanaya mushaar la’aan waxayna hakad geliyeen dhammaan howllihii maamul ee waqooyiga Gaalkacyo.
Saraakiisha ugu sarraysa ciidamada maamulka Cabdi Wali Gaas ayaa ka cabanaya mushaar la’aan muddo sanada ah soo jiitamaysay, horay ayay ciidamadu sidaan oo kale gadood uga sameeyeen magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso.