Wararka ka imaanaya wadanka Maraykanka waxay tibaaxayaan in ciyaaryahan carooday uu dad ku laayay gobolka Florida ee wadankaas.
Garoon ay ka socotay ciyaarta kubadda cadda oo ku yaala magaalada Jacksanfel ee gobolka Florida ayuu ciyaaryahankan careysan lasoo galay qori, wuxuuna markaas kadib rasaas ku billaabay dadkii ciyaarta daawanayay.
Ciyaaryahanka dadka laayay waxaa la sheegay inuu ka careysnaa guul daro kasoo gaartay ciyaarta, waxaana uu dilay ugu yaran 4 ruux, isagoona dhaawacay 11 kale.
Ciidamada Amaanka ayaa goor dambe goobta soo gaaray, kuwaas oo isku geedaamay garoonka, waxaana lagu soo waramayaa in ninka xasuuqa geystay uu isna ugu dambeyn is dilay.
Marar badan Maraykanka iyo wadamada Yurub waxaa ka dhaca weeraro ay fulinayaan dad gaalo ah, kuwaas oo ay lasoo gudboonaato xaalado nafsi ah, marar kalana waxaa wadamadaas ka dhaca weeraro kelligii-duulnimo ah oo ay fuliyaan dhalinyarada Muslimiinta.