Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa weerar culus ku qaaday kolanyo isugu jirta ciidamada Mareykanka iyo kuwa Maamulka Kaabul kuwaasi oo dhaqdhaqaqyo ciidan ka waday gudaha Degmada Muxamed Agah oo ka tirsan Wilaayada Lowjar ee bartamaha dalkaasi.
Kolanyada Cadowga ah ee weerarka culus lala beegsaday ayaa doonayay iney howlgal ciidan oo ay ku dhibaaateynayaan dadka Muslimiinta ay ka sameyaan deegaano hoostaga degmadaasi balse waxaa qorshahaasi fashiliyay oo dagaal xoogan kala hortagay ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan.
Warbaahinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa baahiyay in weerarkaasi culus lagu dilay ugu yaraan Labo askari oo Saliibiyiinta Mareykanka ah Tiro intaasi ka badanne waa lagu dhaawacay weerarka,Sidoo kale ciidamada Mujaahidiinta ayaa dagaalkaasi ku gubay Shan gaari oo ah noocyada ciidamada Xambaara.
Dhanka kale Guutada Madaafiicda ee ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa markale tiro madaafiic ah ku garaacay saldhiga Bagram oo ah saldhiga ugu weyn ee ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka ay ka sameysteen dalka Afghanistan kaasi oo ku yaala Wilaayada Barwaan ee Waqooyga dalkaasi.
Madaafiicda ayaa gudaha u galay saldhiga waxeyna taasi sababtay khasaara Nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay saliibiyiinta Mareykanka ee ku sugan saldhigaasi.
Weeraradan oo qeyb ka ah howlgal dagaaleedka Al-khandaq ayaa kusoo aadaya xilli dhiig bax xoogan uu ku socda Saliibiyiinta Mareykanka ee hogaamineysa duulaanka Shareeco la dirirka ah ee lagu qaaday dalka Afghanistan,waxaana xusid mudan in bishii lasoo dhaafay ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan weeraro isugu jira Istish-haadiyo iyo Ka’maa’ino oo ay ka kala fuliyeen Waqooyga,Bartamaha iyo Bariga dalka Afghanistan ay ku dileen inka badan Soddon askari oo ah saliibiyiinta Mareykanka.