Iska hor’imaad u dhaxeeya maleeshiyaat ka wada Tirsan Maamulka Farmaajo ayaa ku wada dagaalamay xaafada Haanta Dheer ee degmada Dayniile ee magaaladan Muqdisho.
Iska hor’imaadkan oo sababay khasaara nafeet ayaa yimid kadib markii saraakiisha horkaceysay Maleeshiyaatka diriray ay ku murmeen sarkaalkii qaadan lahaa Lacag baad ah oo laga qaaday Guri laga dhisayay qeybo ka mid ah xaafaddaaasi.
Dhanka Dadka Shacabka waxaa iska hor’imaadkaasi ku dhintay Hal ruux oo haweeney aheed mid kalane weey ku dhaawacantay,dhanka maleeshiyaatka Murtadiinta waxaa iska hor’imaadkan kaga dhaawacmay ugu yaraan Afar askari oo dhinacyadii dagaalamay ah.
Maleeshiyaatka dowlada Farmaajo ayaa shaqo maalmeed ka dhigtay iney dhexdooda dagaalamaan oo ay iska dilaan askar iyo saraakiil,sidoo kalane ay waxyeelo gaarsiiyaan dadka shacabka.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.