Filimkan oo la daawan karo muddo 40 daqiiqo ah ayaa soo bandhigaya natiijada howlgal amni oo muddo sanad ah uu ku gudajiray maktabka amniga ee Mujaahidiinta Al-qaacida ee dhulka Jaziiradda carabta, kaas oo lagu soo qabtay shabakad dhameystiran oo u shaqeyneysay sirdoonka nidaamka Aala-Sacuud oo ku lug lahayd dhamaan duqeymihii diyaareed ee lagu beegsaday hogaanka iyo saraakiisha Mujaahidiinta dalka Yemen.
Mu’asasada Al-Malaaxim ayaa filimkan ugu magacdartay “Burburinta Basaasnimada, waxayna sheegtay inuu noqon doono silsilad taxane ah oo ka kooban dhowr xalqo, islamarkaana xambaarsan baraarujin ku wajahan guud ahaan Muslimiinta gaar ahaan Mujaahidiinta dagaalka kula jiray cadowga Allaah.
Xalqadan ayaa ah kaliya mid hordhac u ah muuqaalada taxanaha ah ee soo socda, waxayna soo gudbineysaa kaliya aqoonsiga jawaasiista, hadey tahay magacyadooda, cidda howlgelisay, sida loo howlgeliyey iyo howlgalada basaasnimo ee ay ka qeyb-qaataan, wuxuuna filimku tibaaxayaa in mid waliba oo ka mid ah jawaasiistan uu leeyahay qiso gaar ah, islamarkaana lagu soo bandhig doono xalqada soo socota.
Idaacadda Islaamiga Ah ee Andalus ayaa Luqadda Somaliga Ku Tarjumtay Filimkan cusub ee ay soo saartay Mu’asasada Al-malaaxim ee garabka Warbaahineed ee Mujaahidiinta Al-qaacidah ee faraca dhulka Jaziiradda Carabta.
Halkan Ka Dhageyso Tarjumada Filimka Oo Dhameystiran.
Calamada.com
waa kaxumahey mujaahidiinta in si dhibyar loo dilo waa ka xumahey rag badan aa nooloo diley