Kolonyo gaadiid ah oo gelbinayay guddoomiyaha degmada Buurhakaba ee maamulka gaala raaca Konfur Galbeed ayaa lagu weeraray wadada xiriirisa degmooyinka Buurhakabo iyo Baydhabo oo ka wada tirsan gobalka Baay.
Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in gaariga guddoomiyaha Buurhakaba lala helay Gantaal nuuca garbaha laga Rido ah kaasi oo ay ka dhasheen khasaara kala duwan oo isugu jirta Naf iyo Maal.
Weerarka oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa sababay in waxyeello xooggan soo gaarto gaariga labeegsaday balse lama sheegin wax dhimasho ah oo weerarka ka dhashay lamana oga xaaladda uu ku suganyahay guddoomiyaha Buurhakaba.
Warar hordhac ah waxay sheegayaan in mas’uuliyiinta weerarka sida xun ugu dhaawacantay uu kamid yahay Madaxa maaliyadda degmada Buur Murtadka lagu magacaabo Max’med Liibi.