Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in askari Jabuutiyaan ah uu ku dhaawacmay qarax Miino.
Qaraxa oo haleelay gaari dagaal wuxuu ka dhacay bartamaha magaalada Beled weyne xilli ciidamada Jabuuti ay howlgal roondeyn ah sameynayeen, dadka deegaanka ayaa sheegay in ugu yaraan hal askari uu ku dhaawacmay qaraxa waxyeello xoogganna ay gaartay gaariga qaraxa lagu beegsaday.
Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxa ka dhacay magaalada Beled Weyne ee xarunta gobalka Hiiraan ee bartamaha dalka Somalia.
Maalmo ka hor ayeey aheed markii qarax ciidamada dowlada Ridada Jabuuti lagula beegsaday garoonka diyaaradaha degmada Buulo burte ee gobalka Hiiraan lagu dilay saraakiil Miino baarayaal Jabuutiyaan ah.