Ciidamada Xarakada Al-Shabaab, ayaa habeenkii xalay weeraray labo fariisin oo ay askarta dowladda ku lahaayeen magaalada Muqdisho, iyadoo ay wararku xaqiijinayaan in ay u suura gashay in ay saldhigyadaasi la wareegaan.
Labada saldhig ee la weeraray waxay ku yaallaan Xaafadda Suuqa xoolaha ee degmada Huriwaa gaar ahaa Cali Ganey iyo Biyo halla loo yaqaan biya degeenka.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in Ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab ee weerarka qaaday ay cagta mariyeen labada saldhig ee ay weerareen,.
Idaacadda Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in ciidamada Mujaahidiinta Al Shabaab ay askar badan oo ka tirsan dowladda Ridada ku dileen weerarada islamarkaana ay daabusheen saanado hub ah.
Dad ku sugan xaafadda Suuqa Xoolaha ayaa warbaahinta u sheegay in xalay saqdii dhexe ay maqlayeen hugunka rasaas iyo madaafiic labada dhinac is dhaafsanayeen.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka oo ku aaddan dhacdadan, Weerarada cag marinta saldhigyada ayaa waxay caan ku ahaayeen inta badan fariisimayaasha shisheeyaha iyo maleeshiyaadka Soomaalida ee ku yaalla meelaha ka baxsan magaalada caasimadda balse waxaa haatan muuqanaysaa in ubucdii hoose ee dowladda ay soo gaareen hawl gallada noocan ah.