Bayaankan oo ka kooban labo bog ayaa ku wajahnaa qoyska sharaftaleh ee uu ka dhashay Sheykh Jalaaludiin xaqqaani, Imaarada islaamiga Afqaanistaan iyo guud ahaan Umadda islaamka, iyadoo sidoo kalena lagu soo gudbiyey dhinac ka mid ah taariikhdii jihaadeed ee Sheykh Mowlawi Jalaaludiin Xaqqaani oo loo tixgeliyo inuu yahay halyeeygii labadii Jihaad ee casrigan soo maray dalka Afghanistan.
“Quluub murugeysan, kuna qanacsan qadarta Allaah, iyo laab dhaawacan oo aaminsan qadhaha Allaah ayaan ku qaabilnay warka ku saabsan geerida shekh Jalaalu-diin Xaqqaani sida Umadda inteeda kale. Wuxuu sheekhu geeriyooday kadib Jihaad dheer, sabar aan kala go’ lahayn, iyo la dagaalanka cadowga Allaah ee Saliibiyiinta” ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaanka oo milicsaday qeyb ka mid ah taariikhda hogaamiyahan weyn ayaa lagu sheegay in Sheekhu uu sanadkii 1358-dii hijriyada ku dhashey deegaanka Zadraan ee gobolka Baktiika wadanka Afqaanistaan, markii uu 6 sano gaareyna la geeyay madaraso lagu barto quraanka kariimka, halkaas oo uu ku soo bartay wax akhrinta iyo fiqhiga Xanafiyada, markii uu gaaray da’da waxbarashada nidaamigana wuxuu sheekhu ku biiray iskuulka, isagoona markii uu ka qalin jebiyay dugsiga sare ka mid noqday ardeyda Jamaacadda Al-xaqqaaniyah ee ku taalla deegaanka Akuura Khatk, culimadii waaweyneyd ee wax ka dhigayay jaamacadaas ayuuna sheekha ka bartay funuunta kala ah Tafsiirka, Xadiithka, Fiqhiga, Luuqadda carabiga iyo funuun kale, wuxuuna darajada Mowlanimada uga baxay Jaamacadda Al-xaqqaaniyah, isagoona ugu dambeyn kamid noqday macallimiinta wax ka dhiga Jaamacadaas sida lagu sheegay bayaanka.
Marka laga hadlo masiirada Jihaadka ee Sheekh Jalaalu-diin Xaqqaani, waxaa bayaanku sheegay in isagoo jira 25 sano uu ka mid noqday raggii hurinayay dagaalka ka dhanka ah xisbiga shuuciyada ee uu hogaaminayay Daa’uud, kaas oo afgembi kula wareegay talada Afqaanistaan. Wixii ka dambeeyay markii midowga Soofiyeet uu gudaha usoo galey dalkana wuxuu sheekh Jalaalu-diin Xaqqaani ka qeyb qaatay aas-aaska Jamaaco jihaadi ah oo wajahda duulaanka cusub.
Sida lagu sheegay bayaanka kasoo baxay hogaanka sare ee Al-Qaacida, sheekh Jalaalu-diin Xaqqaani kama qeybgelin dagaalladii fitnada ee hareeyey Afqaanistaan markii uu midowga Soofiyeet ka baxay dalka Afqaanistan, isagoona aas-aaskii Imaarada islaamiga kadibna kamid noqday dadkii ugu horeeyey ee beycada la galay Al-Mullaa Muxamed Cumar Mujaahid, Xafidahullaah. wuxuuna sheekhu kamid ahaa culimada dadka ugu baaqeysay in la garab istaago Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan.
Wixii ka dambeeyey weeraradii 11 septembar, iyo duulaankii Maraykanku ku soo qaaday wadanka Afqaanistaan, wuxuu Sheekh Jalaalu-diin Xaqqaani garab iyo gabaadba u noqday Muhaajirinta iyo qoysaskooda, isagoona kaqeyb galay dagaalka cusub ee billowday.
“Waxaan isku sabarsiineynaa wiilka sheekh Jalaalu-diiin uu dhalay ee Sheekh Siraaju-diin kaas oo ah amiirkeena iyo ku xigeenka amiirka Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan, wuxuu aabihii ka qaaday raayada towxiidka iyadoo cad oo saafi ah, waxaana u rajeyneynaa inuu ku socdo dhabihii aabihii, waxaana Allaah u weydiineynaa inuu sugo, uuna waafajiyo kheyrka.” ayaa lagu yiri bayaanka.
Bayaanka ayaa sidoo kale lagu yiri: “Waxaan u cusbooneysiineynaa si guud umadeena, gaar ahaan madaxdeena Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan oo uu ugu horeeyo amiirkeena Sheekha muxadithka ah Hibatullaah -Alaah dhowree- ballanta ah inaan oofino beycada, oo aan ku sugnaanno wadadii uu ku baxay Sheekh Jalaalu-diin Xaqqaani, waxaana taczideena u direynaa ehelka sheekha, kuwii jeclaa, qaraabadiisa, wiilashiisa kuwa uu awoowaha u yahay, waxaana la qeybsaneynaa murugada ku aadan inaan weynay waalidkeena sheekh Jalaalu-diin Xaqqaani”. Ayaa lagu yiri bayaanka.