Howlgalkan oo ay fuliyeen ciidamada Difaaca Cirka ee Imaarada Islaamiga Afghanistan waxaa lala beegsaday diyaarad elecobtar ah oo ay la socdeen saraakiil iyo maleeshiyaat ka tirsan Xukuumadda Kaabul.
Weerarkan dhanka Cirka ah ee ay fuliyeen ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan waxa uu sigaar ah kaga dhacay qeybo ka mid ah Wilaayada Farah oo dhacda Galbeedka Dalka Afghanistan.
Ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa lidka Diyaaradaha la helayo diyaaradan oo nuuceedu yahay MI-17 diyaaraddaasi uu lahaa maamulka Murtad Ashraf Gaani.
Gabi ahaan diyaaradda ayaa burburtay waxaana halaagsamay Shan ruux oo la socotay diyaaradda kuwaasi oo ay ku jiraan Labo duuliye iyo Labo sarkaal oo ka tirsan Kumaandooska Xukuumadda Ridada Kaabul.
Warbaahinta Imaarada Islaamiga Afghanstan ayaa baahiyay Sawiro iyo Muuqaalo ku aadan burburka diyaaraddaasi ciidan ee ciidamada Mujaahidiinta Dhaalibaan ay kasoo rideen maamulka Ridada Kaabul.
Weerarkan lagu burburiyay diyaaraddan ciidan ayaa kusoo aadaya xilli saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan weeraro ay ka kala fuliyeen Waqooyga iyo Bartamaha dalkaasi ay baqti iyo dhaawac ku noqdeen ku dhawaad Toban askari oo ka tirsan Saliibiyiinta Mareykanka.