Mid kamida saraakiisha ugu sarraysa ciidamada maamulka Axmed Madoobe ayaa isagoo Towbadkeen ah isku dhiibay maamulka islaamiga magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe.
Nuur Yuusuf Saneey oo ahaa taliyihii Xabsiga dhexe ee magaalada Kismaayo oo ku hubeysan qori AK47 ah islamarkaana ku labisan dareeska ciidamada Booliska maamulka ‘Jubbaland’ ayaa shalay lagusoo bandhigay Maxkamadda islaamiga Jilib.
Sarkaalkan isku dhiibay Al Shabaab ayaa ka sheekeeyay dhibaatooyinka uu maamulka Jubbaland ku hayo shacabka magaalada Kismaayo iyo caqabadaha daran ee maamulkaasi wajahayo.
Wareysi uu siiyay Idaacadda Islaamiga Andalus ayuu uga sheekeeyay sababta uu uga goostay maamulka Kismaayo iyo gabood fallada ay ciidamada sirdoonka ‘Jubbaland’ ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.
Jazaakumullaahu kheyr