Iyadoo maalinta Bari oo Arbaco ah ay tahay sagaalka bisha Muxaram waxey maalinta xigta oo Khamiis ah ku beegantahay 10-ka bisha Muxaram oo ah Maalinta ama Yowmu Caashuuraa waana maalintii Allaah uu badbaadiyay Nabi Muuse Caleyhi Salaam Iyo Dadkii la socday islamarkaana Allaah uu halaagay Gaalkii Fircoon iyo dadkii la socday.
Si loo khilaafa Yahuuda waxaa Sunno ah in Soonka Yowmu Canshuuraa hal maalin laga hormariyo ama laga dib mariyo sidaasna uu qofka Muslimka ah ku Sooma Labo Maalin oo isku xigta.
Halkan Ka Dhageyso Fadliga Soonka Yowmu Caashuuraa.
Calamada.com