Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Dagaal Culus oo Ka Dhacay Duleedka Degmada Beledxaawo Ee Wilaayada Gedo Kaas Oo U Dhaxeeyey Ciidanka Jabhada Mujaahidiinta Wilaayadaas iyo Askar Ciidamada Saliibiyiinta Kenya Kamid Ah Iyo Maleeshiyaad Murtadiin Ah Oo Isasoo Bahaystey,
Dagaalka Wuxuu Ka Danbeeyey Markii Cadowga is Garabsanaya ay Isku Dayeen iney Weerar Ku Soo Qaadaan Deegaanada Shareecada islamka Lagu Maamulo Ee Ku Heeran Degmada Beled Xaawo Balse Mujaahidiinta Oo Ka War Haayey Dhaq Dhaqaaqa Cadowga Dagaal Kala Hortageen,
intii Uu Socdey Dagaalka Oo Mudo Saacad Ah Ku Dhoweyd Ayaa Waxa Khasaair Lixaadleh Ka Soo Gaarey Huwantii isku Soo Bahaysatey Dhibaateynta Dadka Shacabka Muslimiinta Ah Ee Degan Deegaanada Dhaca Duleedka Degmada Beled Xaawo.
Sida ay Inoo Xaqiijiyeen Saraakiisha Mujaahidiinta Waxaa Dagaalka Kaga Dhintey Cadowga 10 Katirsan Maleeshiyaadka Murtadiinta iyo Sarkaalkii Hogaaminaayey Maleeshiyaadka Ka Bar Bar Dagaalamayey Ciidamada Kufaarta Kenya sarkaalkaas oo lagu magacaabi jiray Cabey Joon, Iyadoo Tiro Kale Oo Intaas Ka Badana Dhaawacyo Halis Ah Ka Soo Gaareen.
Sidoo Kale Gaari Cabdi Bille Ah iyo Gaari Kale Oo Booyad Ah Ayaa Dagaalka Looga Gubey Ciidamadii Saliibiyiinta iyo Murtadiinta is Kugu Jirey Ee Dagaalka Dulmiga iyo Gardarada Ku Dhisan Soo Qaadey,
Allah Fadligii Ciidamada Saliibiyiinta Kenya iyo Maleeshiyaadkii Murtadiinta Ee Weerarka Soo Qaadey Ayaa Dagaalka Ku Jabey Waxayna Dib Ugu Laabteen Halka Markii Hore Ey Duulaanka Ka Soo Qaadeen Oo Ah Degmada Baladxaawo Iyagoo Tunta Ku Sita Bakhiti iyo Dhaawac Fara Badan.
Xigasho Idaacadda Islaamiga Andalus.
Calamada.com