Howlgalkani oo xalay fiidkii ka dhacay gudaha Magaalada Baladweyne ayaa lagu khaariyay Sarkaal Sare oo ka tirsanaa maleeshiyaadka Ridada, gaar ahaan kuwooda loogu yeerro Malatariga.
Sargaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Muumin Xasan Raage wuxuuna ku magacdheeraa Muumin Afweyne, iyadoona darajadiisa ciidan lagu sheegay u ahaa sarkaal laba xidigle ah.
Howlgalkaani lagu dilay Sargaalkani ayaa waxaa sidoo kale lagu dhaawacay laba askari oo ka mid ahaa ilaalada sarkaalka la toogtay.
Saraakiil ka tirsan mujaahidiinta ayaa idaacadda Islaamiga Andalus u sheegay in howlgalkan ay fuliyeen cutubyo ka tirsan Mujaahidiinta, islamarkaana uu u dhacay sidii loo qorsheeyey.
saraakiisha ayaa sidoo kale noo sheegay in sarkaalka la khaarijiyey laga qaatay qorigii uu watay, islamarkaana ay mujaahidiintu si nabadgalyo ah kaga soo dhaqaaqeen goobta ka dib markii uu howlgalku dhacay.
Maleeshiyaat ka tirsan murtadiinta ayaa goordambe soo gaaray halka uu howlgalku ka dhacay kuwaas oo goobta ka qaatay bakhtiga sarkaalka la khaarijiyey sida ay noo sheegeen dad goobjoogeyaal ah.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sidoo kale noo sheegay in sarkaalka xaley lagu khaarijiyey magaalada Baladweyne uu ka mid ahaa abaanduuleyaasha maleeshiyaatka murtadiinta ee ku sugan degmada Maxaas, islamarkaana muddo ka horloo soo wareerjiyey magaalada Baladweyne, halkaas oo uu ka shaqeynayey waayadii dambe.
Magaalada Baladweyne ayaa muddooyinka la soo daafay waxaa ku sii kordhayay howlgallada ay fuliyaan Mujaahidiinta, kuwaasi oo lagu beegsado maleeshiyaadka Murtadiinta Somaliya, iyo kuwa Ridada Jabuuti ee ku sugan magaaladasi, iyadoona howlgalladaasina ay galaafteen Saraakiil iyo maleeshiyaad.