Ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen gudaha magaalada Muqdisho waxey ku dileen askari ka tirsan maleeshiyaatka Booliska ee dowlada Ridada.
Dilkan waxa uu sigaar ah kaga dhacay Xaafadda Afisyooni ee degmada Waabari,waxeyna Ragga hubeysan ee Shabaabul Mujaahidiin ka tirsan askarigaasi ka toogteen qeybaha sare ee jirka taasi oo sababtay inuu askariga ila goobta ku dhinta.
Fahad Gudhuu waa askariga ka tirsan booliska ee lagu dilay degmada Waabari,waxeyna ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee askarigan dilay horay uga sii qaateen Bistoolad uu ku hubeysnaay.
Qaar ka mid ah dadka ku dhaqan degmada Waabari oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in askarigan uu ahaa mid si aad ah u dhibay dadka shacabka ee ku dhaqan xaafadaha degmada Waabari.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.