Dalka Thailand oo kamid ah wadamada dhaca qaarada Aasia warar la helayo ayaa sheegaya in Musliminta wadankaasi ku dhaqan uu cadaadis ba’an ka heysto dhanka xukuumada Buudiyada ah ee halkaas ka jirta, muddo ku dhow Afar Boqol oo Sano aysan ku dukan Masjid leh Munaarad ama laga Adimo intaba.
Warbixin ay qortay wakaalada Anadol ayaa lagu sheegay in Musliminta Thailand ay Masaajida ku dukadaan Adin la,aan mudo dhan (400) oo sano oo xiriir ah, sababtuna ay tahay xukuumada wadankaas oo u diiday dadka Musliminta ah inay Masaajida codkooda kor ugu qaadaan, maadama inta badan dadka wadanka kunool ay yihin Buudiyiin.
Wariye booqday labada Masjid ee uugu qadiimisan wadanka Thailand ayaa ka dhawaajiyey in Masaajida uu soo arkay aysan laheyn, Munaarad, sidoo kalena aan Microphhano looga Adamin.
Masjidka ugu faca weyn dalka Thailand ayaa lagu magacaaba Koroy SI waxa uuna ku yaala Gobolka FATANI ee dhaca koofurta wadanka, meel kudhow xuduuda ay Thailand la wadaagto wadanka Muslimka ah ee Malaysia.
Waxaa la dhisay Sanadkii 1583-dii Miilaadiyada, inkastoo dhismahiisa qabyo looga tagay kadib khilaaf soo kala dhex galay hogaamiyihi xiligaas wadanka heystay oo lagu magacaabi jiray Naariswaan iyo walaalkiis, wixii xilgaa ka danbeeyana xukuumada wadankaasi tiro dhowr jeer ah ay diiday in la dhameystiro.
Masjidka Koroy SI ayaa lagu tiriyaa inuu kamid yahay goobaha taariikhiga ah ugu faca weyn wadanka Thailand, Sanad kastaana waxaa booqasho u tago kumanaan qof oo Muslimin ah oo ka imaanaya dhanka wadanka ay dariska yihiin ee Malaysia , mana lahan Munaarad iyo Makaroofano laga adimo intaba.
Masjidka labaad ee ugu faca weyn wadanka Thailand ayaa lagu magacaaba Naalo Maano, waxa uuna ku yaala gobolka Naaraatiwaat oo ay Muslimintu ku badan yihiin, waxaana la dhisay sanadki 1634-ti Miladiyada, waana Masjid ka sameysan Alwaaxyo Qadiimi ah, balse dhibaatada heysato ayaa ah, inuusan isna laheyn Minaarad iyo Mixraab intaba, sidoo kalena mudo dhowr qarni ah aan Adinkiisa banaanka lagama maqlin.
Dadka Thailand ayaa cadad ahaan lagu qiyaasa inay gaarayaan 45 Million oo qof, intooda badana waxa ay heystaan diinta Buudiyada, Nisbada Musliminta ee wadankaas ku dhaqana waxaa lagu sheega inay gaarayaan 10% marka la isku eegayo dadka heysto diimaha kale.
Muslimiinta u dhashay Thailand ayay taariikhdu u laabaneysa inay asal ahaan kasoo jeedaan Mandiqada Fatani ee dhacda Konfurta wadanka, taas oo ahaan jirtay Mamlako Islaami ah oo ka madax banana Mamlakadii la oran jiray SIYAAM ee qarnigii tagay magaceeda u badashay Thailand, Musliminta wadankaas qarniyadii tagay oo idil waxa ay u halgamayeen sidii ay usoo ceshan lahaayeen dhulka kamaqan ee xukuumada Thailand ay xooga uga heysato si ay diinta Islaamka si xur ah ugu dhaqmaan.
Sanadki 2004-tii ayay dhalinyaro Musliminta ah oo kasoo jeeda Konfurta wadanka Thailand dagaal hubeysan kala hor tageen ciidanka xukuumada, dagaalkaas oo ka kacay is hor istaag ay ciidamada Police-ka Thailand ku sameeyeen Salaad Janaaso ah oo lagu dukan lahaa Masjidka Koroy SI, iska hor imaadyadaasna waxaa ku geeriyooday in ka badan 110 qof oo Muslimin ah, halka ciidanka xukuumadana laga dilay ilaa 5 askari, sida ay warbaahinadu sheegayaan.
Allow muslimiinta oo dhan usoo celi dhulkooda