Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta Wilaayada Hiiraan ayaa sheegaya in qarax xoogan magaaladaas lagula eegtay gaari ay la socdeen Maleeshiyaat ka tirsan Murtadiinta oo ku socdaalayey qeybo ka mid ah galbeedka magaaladaasi.
Qaraxan oo haa miinooyinka dhulka lagu aaso ayaa lala beegsaday gaari Cabdi Bile ah sida ay noo sheegeen dad goobjoogeyaal ah.
Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa baahisay in qaraxa uu haleelay gaari ciidan oo ay la socdeen ciidamo Murtadiin ah.
Lama hayo khasaare rasmi ah oo maleeshiyaatka Murtadiinta ka soo gaartay qaraxaas, balse wuxuu ku soo aadayaa iyadoo dhowrkii Todobaad ee la soo dhaafay ay magaalada ku soo badanayeen qaraxyada iyo weerarada dilalka ah ee lagu beegsanayo maleeshiyaatka Ridada ee ku sugan magaaladaasi.
Calamada.com